​AMISOM oo afar qof ku dishay Buulo-mareer

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya magalada Buulo-mareer gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM toogteen afar qof oo ay ku jireen hooyo da'a ah iyo ilmo sagaal sano jira.

Dadkan ayaa la dilay xilli ay u socdeen magalada Muqdishu iyago ka baxay magalada Buulo-mareer.

Majirto sabab cad oo dadkaasi loo dilay, waxaana ka dhashay falkaasi banaanbaxyo ay sameeyay shacabka deegaanka iyagoo ku mudaharaaday ciimada AMISOM.

Cabdiwaaxid Macalim Ibraahim oo hooyadii iyo gabar uu dhalay kamid ahaayeen afartii qof ee la dilay, wuxuu BBC-da u sheegay in tallaabadan loo fuliyay qaab arxan darro ah isagoo sheegay inay in afarta qof ahaayeen Hooyadii oo 80-sano jir ah, gabar uu dhalay iyo labo wiil oo saaxiibadiis ah.

Wuxuu sheegay inay dilku ka dhacay tuleed maglaada, wuxuuna intaasi raaciyay xaaladdu kacsantahay.

Ciidamada AMISOM, ayuu tilmaamay inay falkaasi ka gaabsadeen islamarkaana ay caado u tahay dilka shacabka, isagoo xusay inay soo gaareen goobta ciidamo dowladda katirsan.

Hadda ka hor ayay ahayd markii gobolka Shabeellaha hoose ciidamada AMISOM sidaan oo kale ugu dileen 9 qof oo isku qoys ah, mana jirto waxa tallaabo ah oo dowladda Somalia ka qaado tacadiyada lagu hayo shacabka, balse waxaa lagu soo koobaan raali galin iyo inay u dhaceen si khalad ah.

AMISOM, ayaa Somalia u jooga nabad ilaalin iyo ka sifeeyaan dalka mallayshiyaadka Shabaab kwaasoo dagaal kula jira dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM

Uganda oo xaqiijisay geerida toddobo askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

Taliyaha Qeybta Koowaad, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in tuulada Sabiid-Anole ay ahayd xarun istiraatiiji ah.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 11:01AM