AMISOM oo isbedel ku sameysay gelitaanka xarunta Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka midowga afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqay in hab maamuuska amaanka iyo nidaamka gelitaanka xerada Xalane isbedel lagu sameeyay.

Ka mid ah isbadaladaan, waa dib-u-qiimaynta waddooyinka laga galo xerada Xalane.

Bulshada Deriska la ah Xalane, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xaruntii hore ee Bukaan socodka AMISOM (OPD) hadda wixii ka dambeeya laga geli doono xagga iridda Medina.

Tallaabadan ayaa daruuri ka dhigtay xiritaanka dhammaan albaabadii hore loo adeegsan jiray [Bixid iyo gelid] waxaana dib-u-jiheeyay baabuurta oo kasoo geli doonaan xagga iridda Medina.

Tani waa mid waafaqsan nidaamka u degsan AMISOM ee dib u eegida hab maamuuska amaanka iyo ku dhaqan-kiisa.

Intaa waxaa dheer, AMISOM inay bilaabi doonto dib-u-diiwaangelinta dhamaan dadka rayidka ah ee ka shaqeeya xerada Xalane.

"Dhammaan shaqaalaha rayidka ah iyo qandaraaslayaasha waxaa lagu wargelin doona wixii isbeddel ah oo dheeraad ah oo ku saabsan hab maamuuska ammaanka xarunta Xalane," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AMISOM.

AMISOM kuma sheegin war-saxaafadeedkeeda sababta ka dambeysa Isbedelkan, balse waxay wararku sheegayaan in laga cabsi qabo weeraro, oo suurta-gal ay tahay inay heleen ciidamada Midowga Africa xog khatar amni ah.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerartay Xalane tan iyo markii ay saldhigga ka dhigteen ciidamada AMISOM 2007, waxaana xarunta oo ku dhegan Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku shaqeeyay safaaradaha reer galbeedka iyo hay'ado ajnabi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM