AMISOM oo kun askari laga dhimayo xili ay bateen weerarada Al-Shabaab

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Jimcadii go’aamiyey in kun askari laga dhimo howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya inkasta oo ay sii kordhayaan weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho.

Golaha oo cod wadar ogol ah ku meel-mariyey yareyntaasi ayaa wuxuu albaabada u furay in uu dib ugu laaban karo qararkaasi hadii dhaqdhaqaaqyada maleyshiyaadka argagixisada ay bataan.

Qaraarkan oo ay daba ka riixeysay Britain kaasoo kun askari looga yareynayo AMISOM ayaa wuxuu daba socdaa mid kale oo la ansixiyey 28-kii Febraayo balse wuxuu baaqi kasii dhigayaa 1,040 askari o boolis ah.

Xiligaasi waxaa hal sano loogu kordhiyo joogitaanka dalka ee xoogagaasi ka socda qaar kamida wadamada Afrika.

Sidda uu dhigayo xaaladda kala guurka oo la isku raacay 2017-kii, AMISOM ayaa amaanka dalka u wareejin doona ciidamada Soomaaliya balse Midowga Afrika wuxuu walaac ka muujiyey mas'uuliyada doorashada soo aadan.

Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa raadineysa in ay dib u soo celiso xasiloonida Soomaaliya, halkaasi oo dagaalameyaasha Al-Shabaab ay xusul-duub ugu jiraa in ay cagta mariyaan dowlada federaalka ah.

Xoogagan gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa Muqdisho laga saarey 2011-kii, howlgalka ay door fiican ku lahaayeen ciidamada Soomaaliya balse kooxdu waxay wali maamushaan degaanada miyiga oo ay halis ka geliyaan ammaanka magaala madaxda.

Dib u eegis ay AU-da iyo UN-ka bishan horgeeyeen golaha ayaa sarre loogu qaadey digniino nabad-gelyada ee Al-Shabaab, taasoo weeraro culus ka fulisay Muqdisho oo uu ku jiray mid lagu beegsaday xarunta Qaramada Midoobay.

Kaliya bishii Maaj, xoogaga Al-Shabaab ayaa waxay fulisay laba weerar oo culus kuwaasi oo ay u adeegsatay 28 walxo qarxo ah, sidda lagu sheegay dib u eegistaasi.

Todobaadkii hore, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kamid noqday ku dhowaad Shan ruux oo lagu khaarijiyey qarax gaari oo caasimada ka dhaca, kaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.

AMISOM oo dhidibadda loo taagey sanadkii 2007-dii kaasoo ciidamada ay ku tabaruceen wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM