Ammaanka Villa Soomaaliya oo la adkeeyay kadib digniino ammaan

Image
Ciidamada ammaanka ayaa ilaa xalay xiray gebi ahaanba wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Madaxtooyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay sii kordhayaan cabsidda laga qabo weeraro argagixiso oo lala beegsado goobtaasi.

Xaruntan oo ku taal bartamaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa degan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waxa kale oo ay martigelisaa wasiirro yar oo ka tirsan dawladda.

Warbixinadii ugu dambeeyay ee sirdoonku waxa ay kordhiyeen cabsida laga qabo suurta galnimada weeraro is qarxin ah ama weeraro toos ah oo ay soo abaabulaan kooxaha argagixisada.

Qaar ka mid ah kooxahan ayaa lagu soo waramayaa in ay iska dhigayaan ciidamada ilaalada qasriga taas oo ay horey u sameeyeen markii ay beegsadeen Aqalka looga arimiyo Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa ilaa xalay xiray gebi ahaanba wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa qasriga. Waxaa hakad ku jira dhammaan isu socodka dadka iyo gaadiidka ee waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa Madaxtooyada.

Digniinihii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale tilmaamaya in Al Shabaab laga yaabo in ay beegsadaan Hoteelada iyo goobaha kale ee magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan meelaha ay khatarta sare ugu jirto weeraradan. Tani waxay imaanaysaa markii 30 qof ay ku dhinteen is-qarxin lala beegsaday xeebta Liido ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM