Amnesty: Turkiga wuxuu gudaha Soomaaliya ku dilay 23 qof rayid ah

Image
Hay'adan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay dadkan lagu laayay hal duqeyn dhanka cirka ah.

ANKARA, Turkey - Labo duqeyn cirka ah oo ay ku dhinteen 23 qof oo rayid ah ayaa taageerayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ka geysteen gudaha Soomaaliya, sidda ay sheegtay Amnesty International.

Dadka rayidka ah ee lagu dilay weerarradii 18-kii Maarso 2024-kii ayaa waxaa ku jiray 14 carruur ah, shan dumar ah iyo afar rag ah. 17 kale oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay duqeynta: 11 carruur ah, laba dumar ah iyo afar rag ah.

Duqeymaha ayaa lagu garaacay beerta Jaffey oo qiyaastii saddex KM dhanka galbeed kaga beegan tuulada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana duqeyntan ay dhacday 8-dii fiidnimo ilaa 8:30 habeenimo.

Dhibanayaasha iyo dadka kale ee deegaanka ayaa Amnesty International u sheegay in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay daba socdeen dagaal culus oo dhulka ah oo horaantii maalintaas ku dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ka dhacay tuulooyinka Jambaluul iyo Baqdaad.

"Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waa in ay baaritaan ku sameeyaan weerarradan oo ah dambi dagaal, waana in ay joojiyaan weerarrada aan ka fiirsiga lahayn ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah," ayuu yiri Tigere Chagutah, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Chagutah ayaa intaas ku daray: “Gudaha Soomaaliya, dadka rayidka ah waxay la kulmaan dhibaatada ugu badan ee dagaallada. Dhimashadan naxdinta leh waa in aan la ilduufin. Kuwa badbaaday iyo qoysaskooda waxay mudan yihiin run, caddaalad iyo magdhow.”

Amnesty International ayaa warbixinteeda waxa ay ku saleysan tahay wareysiyo fogaan arag ah oo ay la yeelatay 12 qof, oo ay ku jiraan afar dhibanayaal iyo goob-joogayaal, iyo afar xubnaha qoyska ah ee dhibanayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM