Amniga dhismaha UN-ka ee Muqdisho oo la adkeynayo kadib weeraro

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib weeraro dhimasho badan dhaliyey oo ay Al-Shabaab ka fulisay caasimadda, ammaanka dhismaha Qaramada Midoobay oo horey loo beegsaday ayaa sarre loo qaadayaa.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa mararka qaar waxay weeraro loo adeegsado madaafiic ay ku ekeeyeen dhismaha Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Muqdisho.

Bishii Janaayo 2019, dhowr hoobiyeyaal oo ku daatay xafiisyo ku yaala dhismaha UN-ka ee Muqdisho ayaa dhaawacay saddex ruux oo laba kamid ah ay shaqaale ahaayeen iyo mid qandaraasle ahaa.

Si sarre loogu qaado bad-qabka shaqaalaha iyo dhismaha ee UN-ka, ciidamo dheeraad ah oo uu howlgalku dalbaday ayaa Jimcadii cago dhigtay Muqdisho. Tirada askarta oo ka socda Uganda ayaa ah 625.

War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in ciidamada oo ku biiri doona Guutada Ilaalada Qaramada Midoobay ayaa waajibaadkoodu wuxuu yahay xaqiijinta amniga howladeenada UN-ka iyo dhismeyaashooda.

Peter Elwelu, taliyaha ciidamada lugta ee Uganda oo sheegay in ciidanka oo joogitaankooda dalka ay tahay muddo sanad ah, ayaa ku waaniyey in ay kasoo dhalaalan shaqadda culus ee hortaala.

"Waxa aan doonayo ayaa ah in aan sarre u qaadan niyadda taliska. Marka aad u wada shaqeysaan koox ahaan, waxaan hubaa in uu howlgalka idin fududaan doono," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Imaatinka ciidanka ayaa imaaneysa maalmo kadib weerarkii Al-Shabaab ee xafiiska duqa Muqdisho oo lagu dilay todoba mas’uul, ayna ku dhaawacmay xubno kale oo uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka.

Ciidanka cusub oo ah kuwa waardiyeyaal ah loona yaqaano UNGU VI taasoo macnaheedu yahay wareegii lixaad – ayaa laga soo xulay Ciidanka Difaaca Uganda, waxaana 86 kamid ah ay yihiin dumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM