Amniga dhismaha UN-ka ee Muqdisho oo la adkeynayo kadib weeraro

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib weeraro dhimasho badan dhaliyey oo ay Al-Shabaab ka fulisay caasimadda, ammaanka dhismaha Qaramada Midoobay oo horey loo beegsaday ayaa sarre loo qaadayaa.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa mararka qaar waxay weeraro loo adeegsado madaafiic ay ku ekeeyeen dhismaha Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Muqdisho.

Bishii Janaayo 2019, dhowr hoobiyeyaal oo ku daatay xafiisyo ku yaala dhismaha UN-ka ee Muqdisho ayaa dhaawacay saddex ruux oo laba kamid ah ay shaqaale ahaayeen iyo mid qandaraasle ahaa.

Si sarre loogu qaado bad-qabka shaqaalaha iyo dhismaha ee UN-ka, ciidamo dheeraad ah oo uu howlgalku dalbaday ayaa Jimcadii cago dhigtay Muqdisho. Tirada askarta oo ka socda Uganda ayaa ah 625.

War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in ciidamada oo ku biiri doona Guutada Ilaalada Qaramada Midoobay ayaa waajibaadkoodu wuxuu yahay xaqiijinta amniga howladeenada UN-ka iyo dhismeyaashooda.

Peter Elwelu, taliyaha ciidamada lugta ee Uganda oo sheegay in ciidanka oo joogitaankooda dalka ay tahay muddo sanad ah, ayaa ku waaniyey in ay kasoo dhalaalan shaqadda culus ee hortaala.

"Waxa aan doonayo ayaa ah in aan sarre u qaadan niyadda taliska. Marka aad u wada shaqeysaan koox ahaan, waxaan hubaa in uu howlgalka idin fududaan doono," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Imaatinka ciidanka ayaa imaaneysa maalmo kadib weerarkii Al-Shabaab ee xafiiska duqa Muqdisho oo lagu dilay todoba mas’uul, ayna ku dhaawacmay xubno kale oo uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka.

Ciidanka cusub oo ah kuwa waardiyeyaal ah loona yaqaano UNGU VI taasoo macnaheedu yahay wareegii lixaad – ayaa laga soo xulay Ciidanka Difaaca Uganda, waxaana 86 kamid ah ay yihiin dumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM