Amniga imtixaanka shahaadiga Soomaaliya oo laga shiray

Image
Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay sida ugu habboon ee lagu xaqiijinayo amniga goobaha imtixaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shir guddoomiyey kulan looga wadatashanayey u diyaar-garowga imtixaanka Dugsiyada Sare oo dhawaan laga qaban doono dalka.

Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay sida ugu habboon ee lagu xaqiijinayo amniga goobaha imtixaanka, isla markaana lagu kormeerayo habsami u socodka hawlaha kala duwan ee imtixaanka oo lagu qabanayo 136 goobood, iyada oo ay sanadkan gelayaan in ka badan 37,000 oo arday.

Labada Wasiir, ayaa kula dardaarmay saraakiisha Booliiska iyo kormeerayaasha waxbarshada in ay si hufan u gutaan mas'uuliyadda iyo waajibkooda shaqo, isla markaana hubiyaan in aysan dhicin àmni-darro, wax isdabamarin, qish iyo maamul-xumo, iyagoo u rajeeyay ardayda imtixaanka geleysa Guul iyo horumar.

Kulanka waxaa Wasiirrada ku weheliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuurto Mustaf Mukhtaar, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Waxbarashada, ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga, kormeerayaasha imtixaanka iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM