Antonio Guterres oo dunida u diray baaq la xiriira Soomaaliya

Image
Dhawaqan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerartay saldhig ay lahaayeen ciidanka ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya – War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa luuqad adag lagu cambaareeyay weerar ay waabarigii Talaadada kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Antonio Guterres wuxu marka hore si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo lagu laayey askar badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Burundi oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale, waxaa tacsi tiiraanyo leh qoraalkan loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi, wuxuuna xoghayaha sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyey askarta dhaawacantay.

"Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha Stéphane Dujarric.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga iyo amniga Soomaaliya”.

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso howlgalka ATMIS, ex AMISOM, si looga adkaado Al-Shabaab.

“Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa markale lagu yiri.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkan oo qaraxyo ku billowday ay ku dishay illaa 173 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burundi, waxaana jirta askar kale oo nolosha lagu qabtay, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM