Aqalka Sare ee Soomaaliya oo yeeshay guddoon cusub

Image
Senator Cabdi Haashi Cabdilaahi ayaa difaacdey kursigiisa, halka ku xigeenadiisa ay noqdeen xubno cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Cabdi Haashi Cabdilaahi ayaa loo doortay gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya. Xaashi wuxuu ku adkaadey 28 Cod, Saalax Jaamac oo la tartamay ayaa helay 24 Cod, halka Cismaan Dubbe uu helay 2 Cod.

Cali Shacbaan Ibraahim oo deegan doorshadiisu tahay Hirshabeele ayaa lo doortay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya. Cali Shacbaan ayaa helay 28 cod, Cabdixakiim Macalin ayaa helay 25 cod.

Senator Xasan Xuseen Xaaji iyo Senator Ilyaas Badel Gaboose ayaa ka tanaasulay tartanka wareega 2-aad ee Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Sen. Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland ayaa ku guulaystay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee Aqalka sare ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha Puntland ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa dhankiisa wuxuu u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Maanta loo doortay aqalka Sare ee Soomaaliya.

Musharaxiin madaxwayne ayaa qudhooda waxay u hambaleeyeen guddoonka cusub ayaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in waddanka ay ka qabsoonto doorasho la isla ogol-yahay gaar ahaan tan Golaha Shacabka iyo madaxweynaha 10aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM