Aqalka Sare oo ic-laamiyay shir lagu soo afjaro khilaafka dalka ka jira

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland shir lagu soo afjaro khilaafka sii dabadheeraaday ee wadanka ka jira.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daboolka ka qaaday in shirkaan oo uusan shaacin waqtiga uu qabsoomayo ay kasoo wada qaybgeli doonan dhinacyada is-khilaafsan ee dowlda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in socdaalka uu ku tegay xarun goboleedka Jubadda Hoose uu yahay lugta koowaad safar uu ku tegi doono xarumaha dowlad goboleedyadda dalka.

Madaxda maamuladda iyo kuwa dowlda Federaaladda ayuu ku tartarsiiyay inay muujiyaan tanaasul wayn si loosii ambaqaado geedi-usocodka dowladnimada dalka, oo haatan meel wanaagsan mareysay.

"Socdaal ayaan ku mari doonaa maamuladda...Shir ayaana isugu keeni doonaa oo ay kasoo wada qayb galaan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada....Madaxduna waxaa looga baahan yahay inay tanaasulaan," ayuu yiri Cabdi.

Hadalka Cabdi Xaashi ayaa imaanaya xili shirkii ugu dambeeyay oo ay ku yeesheen maamulada magaalada Garowe ee caasimada Puntland ay shaaciyeen shirwayne looga arrin-sanayo aayaha wadanka ayna kasoo muuqanayaa dhinacyo badan.

Lama ogga sida ay isku qaban doonan labadaasi shir – Su’aalaha lays waydiin karo waxaa kamid ah hadii midka dowld goboleedyaddu uqorsheeyeen inuu ka dhaco Dhuusamareeb uu baaqan karo ama in kale.

Intaas waxaa dheer in maamuladda qaarkood ay galayaan doorasho, sida Puntland - Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo aanan wali caddeynin hadii uu Murashax yahay balse si hoose u wata olalihiisa doorashadda.

Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusul-duub ugalay sidii loo dhameyn lahaa kala ir-dhowga siyaasadeed ee wadanka ka jira, kaasi oo hakad-geliyay dhamaan howlihii qaranka horyaalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM