Aqalka Sare oo shaaciyay gudiyada loo dirayo maamullada [Magacyada]
MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacaabey gudiyada xal-raadinta ah ee loo dirayo shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Gudiyada magacaabistooda ayaa ka dambeysay markii Aqalka Sare, gaar ahaan gudi joogtada ah maalin kahor ku dhawaaqay inuu wafuud u dirayo caasimadaha maamul goboleedyada, si ay u qaboojiyaan xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka.
Gudiga loo dirayo Puntland:
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole [Gudoomiye]
Senator Maxamed Cismaan Faraax
Senator Maxamuud Mashruuc
Senator Saciido Xasan Cismaan
Senator Xuseen Sheekh Maxamuud
Cismaan Axmed Macow
Senator Ilyas Cali Xasan
Senator Bootaan Barre Samatar
Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi
Senator Farxaan Cali Xuseen
Gudiga Galmudug
Senator Cabdi Qeybdiid [Gudoomiye]
Senator Jawaahir Axmed Cilmi
Senator Yuusuf Geelle Ugaas
Senator Deeqa Xasan Xuseen
Senator Mustaf Maxamed Qoodax
Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan
Senator Cabdisalaam Xaaji Maxamuud Dheere
Senator Abuukar Axmed Xaashi
Senator Cabdiwaaxid Cilmi Cumar
Gudiga HirShabeelle
Senator Maxamed Xuseen Raage [Gudoomiye]
Senator Cabdirisaaq Axmed Cali
Senator Muuse Suudi Yalaxow
Senator Cismaan Maxamuud Maxamed [Dufle]
Senator Sam-Sam Daahir Maxamuud
Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf
Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Senator Shukri Adan Maxamed
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Gudiga Koonfur Galbeed:
Senator Cabdullaahi Cabdi Garuun [Gudoomiye]
Senator Xuseen Xaajii Cali Cabdalla
Senator Sam-sam Ibraahim Cali
Senator Nuura Faarax Jaamac
Senator Mahdi Daahir Sheekh Nuur
Senator Axmed Maclin Cumar
Senator Hodon Maxamuud Cismaan
Senator Faadumo Xasan Aadan [Gariyow]
Senator Cabdi Axmed Dhuxulow
Senator Cabdirisaaqa Cismaan Xasan [Jurile]
Gudiga Jubbaland:
Senator Axmed Xaashi Maxamuud [Gudoomiye]
Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil [Fartaag]
Senator Axmed Cabdixaafid Maxamed
Senator Iftin Xasan Baasto
Senator Xasan Faarax Xujaale
Senator Muna Cumar Xasan
Senator Muxudiin Sheekh Cali Jaamac
Senator Cabdikariim Maxamed Xasan
Senator Adam Cabdi Adam
Senator Saciid Cabdi Xuseen
Warar ayaa sheegay in isbedel uu ku imaan karo liiska gudiyadan, kadib markii Xubno dhowr ah ay ka cududaarteen meelaha loo magacaabay, taasoo iyana keeni karta inuu gudoonka Aqalka Sare dib ugu laabto qoraalkiisa.
Magacaabida gudiyada ayaa kusoo beegmayaan xilli xiisadda siyaasadeed ee jirta ay cirka isku sii shareerayso, kadib markii Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay soo saareen shuruudo cusub. [Halkan ka akhri Warka]
GAROWE ONLINE