Aqalka Sare oo xeer ansixiyey xili fadhigii Golaha Shacabka uu baaqdey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Goleyaasha xeer-dejinta federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxaa jad howl-maalmeedkooda ku xusan in ay u tahay maalin shaqo ayna Xildhibaanada waajibaadkooda gutaan.

Ugu horeyn, Aqalka Sare oo kulmay kana doodey akhrinta saddexaad ee xeer-hoosaadka golahaasi ayaa cod u qaadey.

Sidda uu shir gudoonka ku dhawaaqey waxaa ogolaatey hindisehaasi 29 Senator oo kulanka kasoo muuqatay mana jirin cid naqdidey ama ka aamustay.

Xeerkan oo wax ka bedel lagu sameeyay ayaa waxaa soo dhaweeyay mudaneyaasha badankooda wallow ay jiraan qaar dhaliilsan.

Dhanka kale, kulankii uu yeelan lahaa Golaha Shacabka ayaa u baaqdey kooram la'aan maadaama ay timid kaliya in timid 123 mudane.

Si uu u furmo fadhiga waxaa loo baahnaa in ay soo xaadirto in ka badan 148 Xildhibaan, sidda uu qabo xeer-hoosaadka Aqalka.

Gudoonka Aqalka Hoose oo arrintaan ku canaantey sharcidejiyeyaasha seegay ayaa faray in tiradii maqneyd loo gudbiyo Guddiga Anshaxa.

Xubin ka tirsan guddigaasi ayey saxaafadda maxaliga ah kasoo xigatey in Xildhibaanadii maqnaa laga go’aan gaari doono xubinimadooda.

Kal-fadhiga shanaad oo ay haatan ku guda jireen labada Aqal ee federaalka ayaa waxaa horyaala arrimo badan oo masiiri ah sida sharciga doorashooyinka kaasi oo bud-dhig u ah coddeynta 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM