Aqalka Sarre oo amar dul-dhigay Villa Soomaaliya [AKHRI]
MUQDISHO- War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre ayaa lagu faray Villa Soomaaliya inay jawaab kasoo bixiso qodobo, kuwaasi oo xudun u ah in xal laga gaaro khilaafka dowlada Federaalka ah iyo maamuladda.
Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo warbaahinta u akhriyay qoraalkaan ayaa ugu horeyn xusay in madaxda maamul goboleedyadda ay ka codsadeen inay joojiyaan kulamadooda, taasi oo ay ka ogolaadeen.
Balse, Gudoomiye Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in madaxda dowladda Federaalka ay ku guuldareysteen inay soo gudbiyeen jawaab la xiriirta cabashooyinka maamulada iyo mowqifkooda dhex-dhaxaadinta Gollaha.
“Labo jeer ayaan waydiisanay [maamuladda] wayna naga ogolaadeen. Markii ugu dambeysay waxay ahayd 19-kii bishaan, mana aan waydiisan, maadaama dowladii aanan laga haynin wax jawaab ah,” ayuu yiri Gudoomiye Xaashi.
Isaga oo sii hadlaya ayuu cod dheer ku sheegay Xaashi in madaxda dowladda dhexe looga baahan yahay inay kaga soo jawaabto cabashada maamuladda iyo doorkooda muddo saddex cisho ah.
“Kadib kulan ay yeesheen Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre, waxay go’aan sadeen inay soo gudbiyaan saddex qodob oo looga baahan yahay Madaxwayne Farmaajo iyo dowladda inay kaga soo jawaabaan mudo saddex cisho ah oo ka bilaabaneysa 20-ka October, kuna eg 22-ka,” ayuu raaciyay Afhayeenka Aqalka Odayaasha.
Gudoomiye Xaashi ayaa daboolka ka qaaday inay madaxda dowladda u gudbiyeen dhamaan tabashooyinkii ay kasoo ururiyeen maamuladda, kuwaasi oo ay keenan Guddiyo gaar-gaar ah oo booqdey maamul goboledyadda.
HOOS KA ARAG QODOBADA A AH
In dowladda ay caddeyso mowqifkeeda doorka dhex-dhaxaadinta ee Aqalka Sarre iyo hadii ay wadahadal diyaar u tahay
Inay kasoo jawaabto dhamaan cabashooyinkii ay soo gudbiyeen dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya
Inay xukuumadda Federaalka kusoo gudbiso jawaabteeda mudada loo qabtay oo ah 20 illaa iyo 22-ka bishaan
Inay dowladda u hogaasamin doonto go’aanka uu Aqalka Sarre kasoo saaro ama aragtiisa ku wajahan khilaafka maamulada
Ugu dambeyntii, Afhayeenka Gollaha Aqalka Sarre ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cadeeyay in Golluhu ay ka go’an tahay in xal waara loo helo is-fahan-laanta dhex-taala maamuladda iyo dowladda dhex, kaasi oo hakad geliyay wadashaqayntii labada dhinac.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Gollaha Aqalka Sarre ayaa kusoo aadaya xili magaalada Garowe lagu wado inay kulan ku yeeshaan madaxda maamuladda, kaasi oo noqonaya kii Afaraad tan iyo markii la aas-aasay Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyadda sanadkii hore 2017.
GAROWE ONLINE