Arday ka careysan hakinta Imtixaanka oo dalbaday in la eryo Goodax Bare

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudaaharaad ay dhigayaan qaar kamida Ardayda dugsiyada Muqdisho ayaa ka socda meelo kamida magaala madaxda dalka Soomaaliya.

Ardayda ayaa ka careysan joojinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee dusiyada sarre ah, kaasi oo loo hakiyey musuq-maasuq iyo xatooyo lagu sameeyay laguna iibiyey suuq madow.

Dibad-baxayaasha oo ku dhawaaqaya hadalo ka dhan ah wasiirka Waxbarashada ayaa ka codsaday ra'iisul wasaare Khayre in uu eryo Cabdullaahi Goodax Barre.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowlada ay rasaas nool-nool u adeegsanayaa dibad-baxayaasha si ay u kala eryaan, wallow aan khasaaro lasoo warin.

Ku dhowaad 30-kun oo Arday ayaa u fadhiisatay Imtixaanka oo bilowday Sabtidii, kaasi oo saddex maalmood ee lasoo dhaafay socday, balse la baaba'shay maalmahaasi.

Wasiir Goodax Barre oo qirtay fadeexada soo wajahaday wasaaradiisa ayaa waxa uu shaaciyey in Imtixaan cusub la qaadi doono 27-da bishaan Maj illaa iyo 31-ka isla bishaan.

Inta uu socdo Imtixaankaasi cusub ayuu ku dhawaaqay wasiirka la xanibi doono guud ahaan baraha bulshadda, oo uu tilmaamay in ay kaalin ka qaateen dhibaatada dhacday.

Tani ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Puntland ay horey uga digtay arrimahaan, ayna codsatay in iyadda ay si gaar ah u maamulato Imtixaankeeda.

Nidaamka waxbarashada Soomaaliya oo haatan ku jira soo kabasho ayaa waxaa lagu tilmaamaa midka ugu liita gobolka, inkasta oo dadaalo kala duwan ay socdaan.

Iyadda oo dalalka kale ay kala siman yihiin xadista Imtixaanka dowladda, haddana waxaa su'aal la iska waydiinayaa qaabka ay ku dhacday in gebi ahaanba maadooyinka la dusiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM