Askar ajnabi ah oo lagu dilay Gedo [Fahfaahin]

Image

GARBAHAAREY - Fahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa rabashado khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay degaan ku dhow magaaladda Ceel-waaq ee gobolka Gedo, saacadihii lasoo dhaafay.

Rabshadaha ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay tuuladda ku toogteen tuuladda Macalin Dugsi Qur'aan iyo Labo kamid ah Ardaydiisa, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Dadka degaanka ayaa magaca macalinka ku sheegay Saadaam Macalim Aways, halka labada arday oo la tilmaamay inay isla dhasheen, lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan.

Lama ogga sababta ka dambeysa inay ciidamadda Naf-gooyaan dadka Rayid ah, laakiin Shacab ka careysan falkaan guracan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo ka tirsan Kenya, gaara ahaan kuwa Dhagax-qodista ka shaqeeya.

Weerarka oo ay Rayidka u adeegsadeen Faasas ayey wararku tibaaxayaan inay ku dhinteen Saddex kamid ah Askarta Kenyan-ka ah, islamarkaana uu jiro tiro kale oo dhaawacyo uu kasoo gaarey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, inkasta oo uusan jirin war rasmi ah oo ay dowladda Kenya kasoo saartay falkaan lagu naf-gooyey Askarteeda iyo dhhibaatadda ay geysteen.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan goboladda Jubbaland oo ay ciidamada Kenya joogaan waxay ka geysteen falal ay ku waxyeelaan Shacab, oo isugu jira dil bareer ah, Kufsi iyo tacadiyo kale oo ka dhan ah Bani'aadamka xili dowladda iyo maamulka lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen wax ka qabasheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM