Askar ciidanka Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo xabsi loo taxaabey

Image

MUQDISHO- Saddex taliye oo ka tirsan ciidamadda Booliska Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in loo taxaabey Xabsi ku yaala magaaladda Muqdisho, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xubnaha ayaa kala ah, Gaashaanle  Dhexe Cabdirisaaq Soomane Xuseen [Taliyaha Ciidanka  Booliska saldhiga degmada Warta Nabadda] Alifle Cabdi Cumar Isaaq [taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga] iyo Kormeere Labaad Cabdifitaax Maxamuud Cabdi.

Askartaan ayaa waxaa la tilmaamay in lasoo xiray kadib markii xafiiska xeer-ilaaliyaha Qaranka uu kusoo eedeeyay inay qaateen lacago laaluush, taasoo musuq-maasuq lagu tilmaamay, wallow aanan lala ogayn waxay ku bedasheen lacagta ay qaateen.

Maxkamadda ciidamadda Qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay bixisay amarka lagu soo xiray saddexdaan sarkaal, islamarkaana la marsiin doono baaritaan ku saabsan eedaymaha loosoo jeediyay.

Mudooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa dar-dar gelisay olalaha lagu soo xariga loo geysano masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee lagu soo eedaynayo musuq-maasuq, taasoo aanan la ogayn ujeeda dhabta ah ka dambeysay.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay damceen iney xabsiga u taxaabeen wasiir ku xigeenka Wasaaradaha Arrimaha Dibada, kaasoo musuq lagu soo eedeeyay musumaasuq inkasta oo war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada lagu beeniyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM