Askar ku dhimatay qarax lagu leegtay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar askari ayaa maanta lagu dilay tirro kelana waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta Soomaaliya.

Weerarka lala eegtay kolanyo milatari ayaa laga soo wariyey agagaarka War-maxan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin la hadashay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

War-maxan, oo ah tuulo caan ku ah beeraha, ayaa ku dhow Afgooye, degmo 30 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga aadan magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika.

Salaad Xuseen, sarkaal ciidan oo ku sugan gobolka, ayaa wuxuu tilmaamay in tiradda geerida ay intaas kasii kordhi karto.

"Argagixisada ayaa weerartay saraakiisha oo ku socdaaleysay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn," ayuu khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online.

Ciidamo gurmad ah oo loo diray goobta ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay howlgalo aan wali cid lagu soo qaban.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa inta badan looga bartay falalka noocaan ah oo waxyeelo badan ay kasoo gaaraan Ciidamada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM