Askar ku dhimatay qarax lagu leegtay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar askari ayaa maanta lagu dilay tirro kelana waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta Soomaaliya.

Weerarka lala eegtay kolanyo milatari ayaa laga soo wariyey agagaarka War-maxan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin la hadashay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

War-maxan, oo ah tuulo caan ku ah beeraha, ayaa ku dhow Afgooye, degmo 30 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga aadan magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika.

Salaad Xuseen, sarkaal ciidan oo ku sugan gobolka, ayaa wuxuu tilmaamay in tiradda geerida ay intaas kasii kordhi karto.

"Argagixisada ayaa weerartay saraakiisha oo ku socdaaleysay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn," ayuu khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online.

Ciidamo gurmad ah oo loo diray goobta ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay howlgalo aan wali cid lagu soo qaban.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa inta badan looga bartay falalka noocaan ah oo waxyeelo badan ay kasoo gaaraan Ciidamada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM