Askar lagu laayey weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

BALCAD, Soomaaliya - Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar isagu jira qaraxyo iyo mid toos ah oo lagula beegsaday wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, maanta oo Sabti ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Qaraxyadda oo ahaa labo – oo kala dhacay waqtiyo kala duwan - islamarkaana lala beegsaday labo gaari – Cabdi Bile iyo gaari nooca raaxada ah – ayaa midkii koowaad waxaa xigay weerar toos ah, kaasi oo dhabagal ahaa.

Gaariga Cabdi Bilaha oo iska hor-imaadka lagala hortagay kana ka dhashay dagaal fool ka fool ah ayaa lasoo sheegayaa inay socotay is-rasaasaynta dhowr daqiiqadood xili ay udhaxaysay rag hubeysan oo Shabaab ah iyo ciidamada.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in labada gaari ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxyadda iyadda oo fahfaahinada qaarkood ay tibaaxayaan inay ku gubteen weeraradaasi, wallow aanan la xaqiijin karin.

“Ciidamada waxaa la bartilmaameedsaday iyaga oo maraya duleedka degmada Balcad…Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba way jiraan,” ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday inuu magaciisa baahiyo, oo u waramay warsidaha GO.

Ma jiro war qoraal ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Ururwaynaha Al-qaacida kasoo saartay weerarkaan jidgalka ah oo ay ku qaaday Kolanyada ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Inta badan gaadiidka ay la socdaan ciidamada xooga iyo masuuliyiinta gobolka iyo maamulka HirShabelle ee adeegsada wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa la kulma weeraro jidgal ah, kuwaasi oo khasaarooyin geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM