Gaari shacab saarnaa oo lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay ka gedaal markii Askari ka tirsan ciidanka Soomaaliya uu degmada Wadajir ee Muqdisho ku rasaaseeyay Gaari ay saarnaayeen dad ay Arday ku jiraan.
Afarta ruux ee loola cararay goobaha caafimaadka ee caasimadda ayaa waxaa la sheegay in saddex kamida oo Arday ahaa ay walaalo yihiin, kuwaasi oo laba kamida Gabdho ah.
Magacyadda dhibaneyaasha ayaa lagu kala qeexay in ay kala yihiin; Sakariye Daahir, Hodan iyo Safiyo xili wararku ay soo jeedinayaan mid kamida gabadhaha ay xaaladeeda caafimaad tahay "mid aad u liidata".
Gabar ayaa ku waxyeelowday rasaasta askariga. Wiilka waxaa dul-maray gaariga, halka Inanta kale ay dhabarka wax kasoo gaareen markii ay ka booday baabuurka.
Maamulka Dugsiga ay dhigtaan Ardaydaan, Al-Anwaar, ayay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay in caruurta ay oo ay da'dooda u dhaxeysa tobban illaa iyo 20-jir ay xiliga uu shilku dhacayey kusoo jeedeen goobta waxbarasho.
Waalidiinta oo iyaga oo jooga Isbitaalka ka fal-celiyay xaaladaan ayaa codsaday in cadaaladda la marsiiyo Askariga falka sameeyay, kaasi aan la ogayn hadii uu baxsaday ama in la qabtay.
Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, kahor inta uusan rasaasta furin, askariga iyo darawalka gaariga ayaa murmay, wallow aanan la xaqiijin karin wuxuu daarnaa murankooda.
"Gaariga wuxuu xiligaasi taagnaa goob lagu hubiyo gaadiidka," ayuu yiri Calinuur Aamiin, oo kamida dadka degaanka ee goobta ay mashaqadu ka dhacday.
Dhacdooyinkan oo mudooyinkii dambe kusoo badanayey Muqdisho ayaa qayb ka ah dhibaatooyin laga dhexlay howlgalada amniga lagu sugayo ee uu maamulka gobolka ku dhawaaqay laba bilood kahor.
Shalay ayay ahayd markii ahayd markii askari ka tirsan bileyska uu caasimada ku naf-gooyey Bajaajle inkasta oo aan la ogayn hadii uu ku jiro gacanta hay'addaha amaanka.
Sabtidii, 18-ka May, ayay ahayd markii maxkamada ciidamada uu kasoo muuqday Dable ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, kaasi oo loo haysto dilka darawal Bajaajle xili xeer-ilaalinta ay codsatay in dil toogasho lagu xukumo.
GAROWE ONLINE