​Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo la xukumay

Image

MUQDISHU, Somalia- Askari ka tirsan ciidamadda nabad-ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM ayaa lagu xakumay hal sano oo xarig ah iyo dhimis darajo. Askarin oo ka mid ahaa 18 ka tirsan AMISOM oo la soo taagay maxkamad ayaa lagu soo eedeeyay inuu suuqa madow ku gaday qalab militari iyo shidaal.

Xukunkan ayaa ah mid muhiim ah maadama ay tahay markii ugu horaysay oo askari nabad- ilaalin ah maxkamad loo soo taago dambiyo la xiriira gadista saanad militari iyo shidaal taasoo ah caado ku baahsan AMISOM iyo askarta dowlada federaalka Soomaaliya.

Saxaafada ayaa lagu casumay inay ka soo qaybgalaan dhegaysiga dacwadan oo xiiso gaar ah lahayd. Maxkamadaynta 17 askari oo kale ayaa dib loo dhigay.

Bishii June, ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xiray shan askari oo Uganda u dhashay iyo toban qof oo rayid ah, kuwaas oo suuqa madow ka macaashayay.

Waxaa lagu qabtay geyrash lagu sameeyo baabuurta iyagoo haysta qaxiyayaal, shidaal, caro jawaano ku jirtaY iyo sanduuqa rasaasta oo maran.

In sannado ah, ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ayaa la macaamilayay dadka hubka ka ganacsada ama cadowga Al Shabaab si ay lacag dheeraad ah u sameeyaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa Isniinti balanqaaday inay la shaqayso taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle si nabadda loo soo celiyo, loogana adkaado kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM