Askari Muqdisho ku dilay saddex ruux oo walaalo ah oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamad militeri oo ku taalla Muqdisho, ayaa maanta oo Sabti ah dil toogasho ku xukuntay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Dable Xaashi Cali Maxamuud oo qirtay in uu falka sameeyay 17-kii June sanadkii hore 2018 ayaa wuxuu ku doodey in ay isku qabteen muran dhuleed.

Warbaahinta ku hadasha afka xeer-beegtadda ayaa ku warameysa in marqaatiyeyaal la horkeenay maxkamadda ay gaashaanka ku dhufteen sheegashadaasi.

Marxuumiinta oo walaalo ahaa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay; Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar.

Dilka raggan oo carro ay ka dhalatay waqtigaasi ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Gumarey, degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale kusoo eedeysay Maxamuud in uu iibsaday qorigii ay dowladdu u iibisay; inuu isku day inuu sharciga ka baxsado.

Qareenadda eedeysanaha, kaasoo lasoo qabtay maalmo kadib markii uu falku ku kacay, una dalbey kalyeenitooda naxariis ayaa soo jeediyay in lagu xukumo xukun xabsi ah.

Hasa ahaatee, dacwad oogeyaasha oo soo jeediyay in dil toogasho garka loo geliyo ayaa ku adkeysatay in uu "dambiga galay isaga oo maankiisa taam-yahay".

Ugu dambeyntii, garsooreyaasha maxkamadda milatariga ayaa ku dhawaaqay in uu rafcaan muddo bil ah uu ka furan yahay go’aanka ay ka qaadatay kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM