Askari qof shacab ah ku dilay Muqdisho oo xukun lagu riday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay dil toogasho ku xukuntay askari ka tirsan Booliska kaasoo qof shacab ah bishii hore ku dilay Muqdisho.

26-jir, Cali Maxamuud Axmed, ayaa lagu soo eedeeyay dilka Cabdirisaaq Axmed Guure, darawal mooto Bajaaj, isla markaana uu dhaawacay ruux kale, sidda laga soo xigtay maxkamadda.

Kadib gar-maqalka kiiska oo fadhiyo kala duwan qaatay, maxkamada ayaa garka u gelisay askariga dil toogasho, iyadda oo ku dooday in la horkeenay caddeymo ku filan wallow uu Axmed racfaan qaadan karo.

"Maxkamada waxay dil toogasho ugu xukuntay Cali Maxamuud Axmed markii ay ku heshay dambi ah in uu si ola kac ah ugu toogtay Cabdirisaaq Axmed Guure, bar kontarool oo ku taala degmada Hodan," ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada.

Xasan Cali Shuute ayaa intaasi raaciyey in Cali Maxamuud Axmed laga xayuubiyey gebi ahaanba jagada uu ka hayey ciidamada Booliska kahor inta aanan lagu ridin xukunkaasi tiirka lagu soo joojinayo.

"Aniga kaliya waxaan doonayey in aan cabsi geliyo isaga markii uu dhaafay kontaroolka," ayuu yiri askariga isaga oo la hadlayey maxkamadda, siday ku warameyso warbaahinta.

Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa inta badan xukuno iyo dilal toogasho waxay ku fulisaa maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo askarta disha rayidka wallow ay cambaareyn kala kulanto hay’addah xuquuqda aadanaha sida EU-da.

Bishii Janaayo, maxkamada ayaa dil toogasho waxay ku xukuntay Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim, sarkaal milatari, markii lagu helay in uu duleedka caasimada ku dilay qof rayid ah, bishii October ee sanadkii hore.

Sidda uu qabo dastuurka iyo xeerka ciqaabta ciidamada Soomaaliya, marka maxkamada ay xukun dil ah riddo isla markaana idlaado waqtiga racfaanka, waxaa loo gudbinayaa madaxweynaha si uu u saxiixo, loona fuliyo.

Cabdisamad Maxamed Nuur, oo bartay sharciga, ayaa aaminsan in sababta keentay in xukuno badan oo ay riday maxkamada aanan loo fulin in ay tahay fursad loo siinayo xukunsanayaasha si ay racfaan u qaataan.

Balse Ibraahim Aadan Maxamuud, oo isna cilmigaasi bartay ayaa ku doodaya in sababta loo fulin la'yahay ay tahay "iyada oo madaxda dalka ka fogaanayaan dhaleeceyn uga timaada hay’addaha xuquuqda aadanaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM