ATMIS oo lagala hadlay “Soomaaliya ka caaggan Khawaarijta”

Image
Wasiirka cusub ee amniga ayaa la kulmay madaxa howlgalkan iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Khawaarijta.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM