​Awdheegle iyo Bariire oo laga qaxay

Image

MUQDISHU- Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Somalia, ayaa sheegaya inay ka jirto xaalad adag oo bini aadannimo kadib howlgal muddooyinkii u dambeeyay kasocday kaasi oo ay fulinayeen ciidamo wadajir ah oo katirsan dowladda Somalia, AMISOM iyo dalka Maraykanka.

Weeraradaasi, ayaa lagu qaaday saldhigyo iyo degmooyin xarakadaasi ku sugnaayeen, waxaana saraakiisha dowladdu ka sheegteen guulo waaweyn iyagoo xusay in kooxda Shabaab lagu jabiyay howlgalladaasi.

Balse, weeraradan, ayaa saamayn xooggan u gaystay dadka shacabka ah, waxaana lagusoo waramayaa inay guud ahaan degmada Awdheegle iyo Bariire dadkii ku sugnaa ka qaxeen islamarkaana ku dhibaataysanyihiin miyiga deegaanadaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka da'een roobab xoggan.

Gudoomiyihii hore gobolka Shabeellaha hoose Cabdulqaadir Nuur (Siidii), ayaa soo dhaweyay duqaynta lagu hayo kooxda Shabaab, balse wuxuu xusay inay rafaadsanyihiin shacabka goobihii la duqeeyay daganaa.

Wuxuu tilmaamay inay u barakaceen goobaha miyiga ah, islamarkaana haysato rafaad xoggan dhinaca nolasha.

Ururka Shabaab, ayaa ku dhaliilay ka qayb qaadasha qaxa shacabka, wuxuuna dowladda Somalia ka codsaday inay samayso qorshe dagaal oo dhulka ah.

Gobolka, ayuu xusay in muddo dheer hoy u ahaa mallayshiyaadka Shabaab, oo uu tilmaamay inuu ahaa goobaha ay ka abaabulaan dagaallada islamarkaana ku dhuumaalaystaan.

Guddoomiyihii hore Shabeellaha hose oo u waramay VOA, ayaa xusay in wax loo qabto dadka tabaalaysan.

Ilaa dhawr jeer oo kala duwan ayaa duqaymo dagaallo kala duwan ka dhaceen gobolkan, waxaana door weyn howlgalka ku lahaa diyaarado iyo ciidamo kasocda Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM