Axmad Madoobe oo soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey Kismaayo [Sababta]
KISMAAYO- Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu noqdey magaalada Kismayo isaga iyo wafti uu hogaaminayo ayaa soo dhoweyn heer sare loogu sameeyey xarunta KMG ah ee maamulkaas.
Axmad Madoobe oo booqasho ku tagey dalalka Imaaradka Carabta iyo Ethiopia ayaa xiriirka uu la leeyahay Villa Somalia aad u hooseeyaa iyadoo ay jiraan shirar magalaada Muqdisho maalmahaan uga socdey siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweynaha Jubaland.
“Soo dhoweynta maanta loogu soo sameeyey Madaxweyne Axmad Madoobe Kismaayo waxaa ay jawaab u tahay qorshayaasha ka dhanka ah maamulkaan oo ka socda Muqdisho.” Sidaa waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan maamulkaas oo diidey magaciisa.
Magaalada Muqdisho Hotel ku yaal “Saxafi” ayaa maalmahaan waxaa ka socdey kulamo ay ku leeyihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka Madaxweyne Axmad Madoobe kuwasoo la sheegey iney tageero ka haystaan Villa Somalia.
Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale inta uu booqashada ku joogey magalaada Addis Ababa la kulmay Ra’isal wasaraha cusub ee dalkaas isagoo dhinaca kale la siiiyey fursad uu ku arko sarkaal ‘Qalbi dhagax’ kaasoo dowlada Federalka ah horey ugu gacan galisay dalka Ethiopia.
Sida warar ku dhow u sheegeen GO kulanka Qalbi dhagax iyo Axmad Madoobe ayaa waxaa uu wajigabax siyaasadeed ku noqdey dowlada Federalka oo horey loogu eedeeyey dhiibista sarkaalkaan. Taalabada Ethiopia qaadey ayaa marka dhinaca diplomasiyada laga eego muujineysay in Ra’isal wasaraha cusub Abiyi Ahmad uu qaatey siyaasad ka duwan mas’uulkii ka horeeyey ‘Hailemariam Desalegn’.
Ra’isal wasaraha cusub ee Ethiopia ayaa markii talada dalkaas uu la wareegey wxaaa boqashadiisa ugu horeysay ku tagey Dowlad goboleedka ismaamulka Somalida iyo midda Tigreega iyadoo dadka la socda siyaasada xusayaan inuu u muuqda mid xoojinaya nidaamka Federalka ah ee ka jira wadankaas.
Qowmiyada uu kasoo jeedo Ra’isla wasaraha cusub ‘Oromo ‘ oo ugu badan dalka Ethiopia ayaa iska leh Dowlad goboleedka ugu khayraadka badan iyadoo uu soo gaarey bubur dhaqaale ee xoogan tan markii ay bilowdeen mudaharaadyo lagu diidanaa siyaasada xirxiran ee dalkaas.
Dhinaca kale qoraal maalintii shaley kasoo baxay Madaxweynaha Puntland ahna gudoomiyaha golaha ay ku midoobeen maamulada Soomaaliya ayaa lagu sheegey in kulan ku yeelanayaan magalada Baydhabo 13 May,2018.
Xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka Soomaliya iyo maamul goboleedyada ayaan hagaagsaneyn tan iyo intii uu talada dalka qabtey Madaxwyene Farmaajo.
GAROWE ONLINE