Axmed Madoobe: DF Soomaaliya waxba kama duwana Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu furayay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka Jubaland uga hadlay xaaladaha ka jira maamulkiisa iyo mida guud ee dalka Soomaaliya.

Isagoo ku hormaray hadalkiisa xaaladda Jubaland, ayaa Axmed Madoobe sheegay in maamulka uu hogaamiyo xilligan wajahayo caqabado badan iyo duulaan lagu soo qaadey, oo uu ku eedeeyay dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in habdhaqankeeda uu lamid yahay midka Al-Shabaab, oo dowladnimada ka saarto qofkii kasoo horjeeda feker ahaan, kana dhigto khaan’inul wadan.

“DF waxba kama duwana Al-Shabaab, dhaqankeedu waa in qofkii rabitaankeeda kasoo horjeeda ay ka dhigto khaa’inul wadan, sida Al-Shabaab uga xukunto murtadnimo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu baaqey dowladaha Turkiga iyo Qatar inay joojiyaan taageerada ciidanka dowladda, maadaama ay qeyb ka noqdeen colaadda dalka, loona adeegsanayo dano siyaadeed.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ku booriyay Itoobiya inay faragelinta ka joojiso gobolka Gedo, halkaasi oo ciidamadeeda ay uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Jubaland, iyagoo la saftay kuwa dowlada.

Dhanka kale, wuxuu daboolka ka qaadey in afarta sano ee soo aadan uu ka shaqeyn doono daadejinta maamulka iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in madaxda hadda joogta Villa Soomaaliya aysan waxba kala socon xaaladihii uu dalka soo maray, ayna dalka ka qaxeen markii colaadda, haddana dib ugu soo laabteen xaaladdu degan tahay.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM