Axmed Madoobe iyo Dabaylaha Siyaasadeed: Muddo intee le’eg ayuu sii dhuuman karaa?

Image

FAALO| Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo kamid ah madaxda maamul-goboleedyada Soomaaliya ee muddo xileedkoodu sii dhamaanayo, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka maqnaa saaxadda siyaasadda, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Axmed Madoobe, oo dhawaan baarlamaanka Jubaland ka ansixiyay in la beddelo qodob ka mid ah dastuurka maamulka, kaas oo horay ka hor istaagayey inuu markale isu soo taago xilka madaxweynaha, ayaa dartiis loo baajiyay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), kaas oo lagu qaban lahaa magaalada Kismaayo.

Villa Somalia, oo dooneysay in kulankaas qabsoomo, ayaa ka shakiday cudurdaarka la sheegay ee Axmed Madoobe, iyadoo warar kale sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh koox u diray Kenya si ay u xaqiijiyaan in Axmed Madoobe uu dhab ahaan xanuunsan yahay oo uusan ka qayb gali karin kulanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonayay in ajendaha kulankaas diiradda lagu saaro qodobo cusub oo la xiriira dastuurka, kuwaas oo la isku khilaafsan yahay, iyo sidoo kale qorshayaasha doorashooyinka ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed, oo ay madaxdeedu doonayaan inay mar kale isku soo taagaan doorashooyinka.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in xiriirka u dhexeeya Villa Somalia iyo maamulka Axmed Madoobe uu yahay “dhuxul dambas huwan,” taasoo la micno ah in mar kasta oo xaalad cusub timaado, xiriirkaasi uu si fudud u gali karo khatar.

Madaxweyne Laftagareen, oo ah saaxiib ay isku xaalad yihiin Axmed Madoobe, ayaa hadda u muuqda mid ku hormaray isku dhicii siyaasadeed ee la filayay ee Villa Somalia, madaama isaga iyo  Madaxweyne Madoobe isku diyaarinayeen in ay qaadaan tallaabooyin dib loogu dooranayo.

Axmed Madoobe, oo weli ka maqan saaxadda siyaasadda sababo aan caddeyn, ayaa la ogyahay in culeysyo siyaasadeed ay kaga imaanayaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo ay isku beel yihiin kuwaas oo ah in qorshaha Villa Somalia u hogaansamo.  Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh qorsheynayo in kaararkiisa siyaasadeed ugu adeegsado xaaladaha ka jira Jubaland.

Tijaabada ugu horreysa ee Axmed Madoobe ayaa noqon doonta marka uu saaxadda siyaasada dib ugu soo laabto, iyadoo laga sugayo inuu diyaariyo marti-gelinta kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka ee baaqday. Waxaa isha lagu hayaa sida uu Axmed Madoobe u wajahayo dabeylaha siyaasadeed ee hareereeyay Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM