Axmed Madoobe oo fahfaahiyay heshiiska uu galay Villa Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxwayne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay caasimada maamulkaasi ayaa xaqiijiyay in la dhameystiray heshiiskii uu la galay madaxda dowlada federaalka ah.

Sida uu horey u baahiyay warsidaha Garowe Online, madaxaynaha dalka, Maxamed Farmaajo ayaa qabyo tiray heshiiska oo xeerinaya in doorashada Jubaland ay ku dhacdo waqtigeeda.

"Wadahadal dheer baanu galnay madaxwaynaha, waxaana filayaa in aan isla meel-dhignay wax badan oo quseeya xaalada wadanka iyo waxaan qaban karno," ayuu u sheegay wariyaasha.

Talaabooyinka xiga ee labada dhinac hortaala haatan waxay ay tahay in ay dhaqan-geliyaan waxa ay ku heshiiyaan, sida laga soo xigtay Axmed Madoobe, oo muujiyay in uu diyaar u yahay arrinkaasi.

Dhowr illo wareed ayaa u dusiyay GO in Farmaajo u balanqaaday Axmed Madoobe in heli doono maamulkiisa taareegadii dowlada dhexe, taasoo la hakiyay markii qarxay khilaafka.

"Waxa xiga waxay tahay sida ay cid walba u fuliso waxa lagu heshiiyay," ayuu hadalkiisu ku daray, isaga oo daba dhigay "Wadahadalkeenu wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo loo baahnaa.

Hogaamiyaha maamulka fadhigiisu yahay magaalada dekada leh ayaa codsaday in dhinac la isaga leexiyo siyaasada, xoogana la saaro sidii shacabka Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa dhibaatada.

"Soomaalidu xili adag bay ku jirtaa … dagaalkii Shabaabkuna wuu sii dhib batay … marka in siyaasada la isku jiid-jiido waxaa ka wanaagsan in dadka loo tanaasulo," ayuu soo jeediyay.

Fahfaahinta heshiiska Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya ayaa intaasi ku dareysa in ay qayb ka tahay in dib loo bilaabo shirarka maamulada iyo dowlada dhexe ee looga hadlo amniga qaranka. [Halkaan ka akhriso warka]

"Guul buu kusoo dhamaaday [wadahadalkeena], waxa xiga waxay noqoneysaa siday cid walba u fuliso ayay bar-barkey ka baxdo bakaylo qaleyn u noqoneysaa," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Axmed Madoobe.

Heshiiska Jubbaland iyo dowlada dhexe ayaa sida uu fahansan yahay GO waxaa kasoo shaqeeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, agaasimaha sirdoonka Soomaaliya, oo ah gacanta midig ee Farmaajo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuldareystay inuu mideeyo madaxda Federaalka

Balse maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa astaan u ah kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii qotomeysa.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 11:33AM

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM