Axmed Madoobe oo ka baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho

Image
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu habeenkii xalay ergo u soo diray Madaxweynaha Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa burburey wadahadalladii u dhexeeyey madaxda dowlad-goboleedyada afarta ahaa iyo dowladda federaalka ah, kaddib markii Madaxweynaha Jubaland, Axmad Madoobe, uu diidey muddo kordhin sharci darro ah oo Villa Somalia ay ku sameyneyso xilalkooda iyo nidaamka doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu doonayeen in ay dalka ku soo rogaan.

Axmad Madoobe ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo.

Waxaa jiray isku dayo saacadihii ugu dambeeyey oo lagu doonayey in lagu baajiyo safarkiisa, hase yeeshee uu ku gacan seyray.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse uu habeenkii xalay ergo u soo diray Madaxweynaha Jubaland taasoo yiri inuu iscasili doono haddii aan la aqbalin qorshahaan, balse Axmad Madoobe ayaa diiday dalabkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM