Axmed Madoobe oo ka dagay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka iyo dadweyne ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu yahay shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo amaanka Soomaaliya.

“Maanta Cadowga kaliyah ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dagaalka Argagixisada ay u baahan tahay wadajir in loo wajaho oo aan cid gaar ah lagu halayn si dhibaatada dadka looga dulqaado.

Socdaalka Axmed Madoobe, ayaa kusoo beegmay xilli maalinta barri ah la filayo in caasimadda Soomaaliya ka furmo shir looga hadlayo ammaanka dalka iyo dhismaha ciidamada qaranka.

Sidoo kale safarka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Kismaayo ay ka taagtahay xiisad siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM