Axmed Madoobe oo ka qayb galaya furitaan garoonka Bosaso

Image

06 January, 2016(GO)-Warar aan ka helayno saraakiil ka agdhow Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegaya inuu ka qayb gali doono furitaanka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ee loo ballansanyahay 08 January.

Xogta ayaa tibaaxaysa safarka uu ku joogo Cadaado kadib inuu aadi doono dhinaca Puntland si uu qayb uga noqdo wufuudda kala duwan ee ku sugan magalada Bosaso iyo kuwa kale ee dhawaan imaan doona.

Xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa xaddiga mas'uuliyiinta iyo shacabka tagay magalada kuwaas oo doonaya inay ka qayb noqdaan xaflad lagu furayo garoonkii ugu horraysay ee caalami ah oo Puntland yeelato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM