Axmed Madoobe oo khudbadiisa Ciidda eedeyn ugu jeediyay DF

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Mas'uuliyiin iyo dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada ee magaaladda Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shacabka ku booriyay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hay'adaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaalad abuur ka wado Jubbaland, taasoo uu xusay in mar walba xaalada uga sii darayso isla markana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday.

Eedeynta Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo Jubbaland isku diyaarinayso doorashada Baarlamaanka iyo mid Madaxweynaha, taasi oo bishan loo balansan yahay.

Doorashadda oo aad isha loogu hayo ayaa Beesha Caalamka waxay waday dedaalo looga fogaanayo in ay dhacaan arrimo liddi ku ah ammaanka iyo xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM