Axmed Madoobe oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo cusub oo uu yeelanayo maamulkiisa, xilli ay kusoo food leedahay doorashada madaxtinimada oo lagu wado inay dhacdo August 2019.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe shalay ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha markii uu arkay baahida loo qabo in la helo gudi maareeya xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, uu sameeyay magacaabida.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxay kala yihiin:

1 - Xamza Cabdi Barre

2 - Axmed Cumar Maxamed

3 - Zamzam Maclin Faarax

4 - Mursal Siyaad Maxamed

5 - Ibraahim Aadan Ibraahim

6 - Maxamed Cismaan Yuusuf

7 - Axmed Maxamed Yuusuf

Dhismaha Guddigan ayaa kusoo beegamaya xilli dhawaan Axmed Madoobe heshiis kula galay Kismaayo Ra'iisul Wasaare Khayre, kaasi oo lagu soo afjaray khilaafkii Villa Somalia iyo Jubbaland.

Heshiiskan ayaa ku yimid wadahadal mudo billooyin ah soo socday oo uu kasoo shaqeeyay Fahad Yaasiin, Agaasime ku xigeenka NISA, oo kamid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM