Axmed Madoobe oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo cusub oo uu yeelanayo maamulkiisa, xilli ay kusoo food leedahay doorashada madaxtinimada oo lagu wado inay dhacdo August 2019.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe shalay ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha markii uu arkay baahida loo qabo in la helo gudi maareeya xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, uu sameeyay magacaabida.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxay kala yihiin:

1 - Xamza Cabdi Barre

2 - Axmed Cumar Maxamed

3 - Zamzam Maclin Faarax

4 - Mursal Siyaad Maxamed

5 - Ibraahim Aadan Ibraahim

6 - Maxamed Cismaan Yuusuf

7 - Axmed Maxamed Yuusuf

Dhismaha Guddigan ayaa kusoo beegamaya xilli dhawaan Axmed Madoobe heshiis kula galay Kismaayo Ra'iisul Wasaare Khayre, kaasi oo lagu soo afjaray khilaafkii Villa Somalia iyo Jubbaland.

Heshiiskan ayaa ku yimid wadahadal mudo billooyin ah soo socday oo uu kasoo shaqeeyay Fahad Yaasiin, Agaasime ku xigeenka NISA, oo kamid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM