Axmed Madoobe oo magacaabay xilal cusub [Akhriso]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta oo Talaado ah magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulkiisa.

Labo Digreeto oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay magacaabista xilalkan, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo maamulka Jubbaland uu yeesho Xeer Ilaaliye iyo Maxkamadda sare tan iyo aas-aaskiisa 2013.

Axmed Madoobe ayaa Sheekh Cabdishakuur Ibraahim Cabdi u magacaabay Xilka Gudoomiyaha Maxkamadda sare, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland loo magacaabay Maxamed Sheekh Cismaan Saciid.

Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay Baarlamaanka Jubbaland Xasaanadii ka qaadey Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan, kadib markii lagu eedeeyay inuu abaabulayay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan ka akhri.

Hogaanka Jubbaland ayaa lagu dhaliilay inuu ku fashilmay in Al Shabaab uu ka saaro gobolladii maamulkaasi oo intiisa badan ay maamusho Al Shabaab, iyadoo ciidamada maamulkaasi ay ka gudbi la'yihiin tan iyo 2012 magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM