Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay hogaanka Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] markii saddexaad dib ugu doortay madaxweyne.

Coddeynta oo ka qabsoontay xarunta guddiga doorashadda ee magaaladda xeebta leh ee Kismaayo ayaa waxaa codkooda dhiibtay Xildhibaano tiradooda gaareysa 74 mudane.

Sidda uu guddigu ku dhawaaqay, Axmed Madoobe oo wareega koowaad ku badiyey ayaa wuxuu helay 56 cod, halka Canab Maxamed Diiriye oo ku dhoweyd ay heshay 17 cod.

Maxamed Maxamuud Cumar oo kamid ahaa murashaxiinta ayaa dhankiisa waxa uu helay hal cod, sidda uu shaaciyey guddiga, oo xusay in tartamaha afaraad uusan waxba helin.

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedkan oo 1-dii June 1963-dii ku dhashay magaaladda Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ayaa markii horeysay xilkan qabtay 2013-kii.

Axmed Madoobe oo isla goobta lagu dhaariyey kadib doorashadiisa maanta xilkana hayn doono afarta sano ee soo aadan ayaa waxaa markii labaad la doortay sanadkii 2015-kii.

Murashaxiinta looga adkaaday doorashadan kuwaasi oo aqbalay natiijadda ayaa garab-istaag u balanqaaday Axmed Madoobe, kaasi oo dhankiisa shaaciyey in uu soo dhaweynayo.

Inkasta oo lagu dhawaaqay dhismihiisa 3-da bishii April sanadkii 2011-kii, haddana maamulkan ayaa waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday dowlad goboleedyadda dalka ka jira 29-ka August ee 2013-kii.

Jubbaland oo saddex gobol ah; Gedo iyo labadda Jubba [Hoose iyo Dhexe] ayaa magaala madaxdiisu waxay tahay Bu'aalle, halkaasi oo ay Al-Shabaab haysato sida magaalooyin kale.

Wallow ay socdaan dedaalo looga xorreynayo, Jubadda Dhexe oo dhan ayaa waxa uu gacanta ugu jiraa maleyshiyaadka xiriirka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda.

Sidda ay ka dhawaajisay Qaramada Midoobay, doorashadan ayaa muhiim u ah geedi u socodka nabadda, amniga, siyaasadda, dimoqraadiyadda iyo horumarka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM