Axmed Madoobe oo sheegay go'aanka ugu dambeya Somalia in Kismayo lagu gaarayo

Image
Image
Image
Image

18 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" oo maanta dib ugu laabtay magalada Ksimayo ayaa ka hadlay safarkiisa Muqdishu iyo waxyaabihii ka madaxdu isla meel dhigeen.

Wuxuu sheegay xilli uu waraysi siiyay warbaahinta ku hadasha afka maamulkaasi inaysan jirin qorshe cad oo ay la soo noqdeen madaxda xarunta Somalia isugu tagtay, marka laga reebo Jubbaland oo nasiib u yeelatay in lagu qabto shirka go'aaminta hiigsiga 2016.

“Ma filayo in ay jirto cid ka mid ah hoggaamiyeyaashii meesha isugu tagtay oo inta dadkii ay ka timid u laabata oran karta waxaan idiin keeney wixii aad codsateen, balse reer Jubbaland ayaa ugu roon oo gogoshii wax lagu go’aamin lahaa lasoo laabtay" Ayuu yiri Madoobe.

Waxaa ka hadlay nabadayntii uu tagay magalada Galkacyo isagoo sheegay in laga gaaray guulo muhiim ah.

"10kii askari ee koofiyadda gaduudneyd ee aan halkan ka watay ayaa meesha ka ahaa ciidamada UN-ka..., runtiina taasi waxa ay muujineysaa biseylka ay Somali gaartay oo ah in maanta dhexdeena aan xalisan karn khilaafaadka jira" Ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Jubbaland.

Shacabka Jubbaland ayuu Axmed Madoobe ugu baaqay inay gacan ka gaystaan diyaar garowga shirka Kismayo ka dhacay horaanta Jannaayo, wuxuuna sheegay inay tahay halka lagu go'aamin doono aayaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM