Axmed Madoobe oo shir ugu yeeray Xildhibaanada Jubaland ee federaalka

Image
Kulankan ayaa waxaa la filayaa inuu saldhig u noqdo dagaalka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Kismaayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waraaq casuumaad ah oo ka soo baxday maamulka Jubaland ayaa lagu shaaciyay kulan wada-tashi ah oo la qaban doono magaalada Kismaayo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubaland, inta u dhexeysa 8-11 November 2024.

Waraaqdan ayaa loogu baaqay dhammaan xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku matala Jubaland in ay ka soo qaybgalaan kulanka, si ay uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo aragti mideysan oo ku wajahan arrimaha taagan ee la xiriira Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

Kulanka wada-tashiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xildhibaano Jubaland ka soo jeeda oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ay maanta isku qabsadeen kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo mowqifka ay xildhibaanadaasi ka qaadanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, Wasiirka Amniga Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya, General Fartaag iyo xubno kale oo ka tirsan xildhibaanada ayaa isku maan-dhaafay fadhiga, taas oo sababtay in kulanka wax natiijo ah laga gaari waayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM