Axmed Madoobe oo shirka Brussels ku karbaashay DFS [Daawo]
BRUSSEL - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa khudbad uu shalay [Sabti, July 16] ka jeediyay shirka Brussels si weyn ugu dhaliilay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo khudbadiisa Af Soomaaliya ku jeediyay, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya fulin la'aan qodobadii lagu heshiiyay shirarkii ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibadda oo ay kamid yahiin kuwii London iyo Baydhabo.
Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa xoogga ku saarey arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa daboolka ka qaadey in Xukuumadda Khayre iyo AMISOM aysan daacad ka ahayn.
Wuxuu tilmaamay in fulin iyo isla-xisaabtan la'aan ay ka jirto dalka Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ay dhaqaale fara badan ay ku bixinayaan sidii dalka dib loogu soo dabaali lahaa amni iyo xasilooni.
Axmed Madoobe ayaa xusay in dowladda dhexe ay ku fashilantay inay sugto amaanka caasimadda, oo uu shaaca ka qaaday in Al-Shabaab awood u leedahay wali inay ka fuliso weeraro mar walba.
"Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Qarax ka dhacay Muqdisho. Marka waan inaan iska dhaafnaa isku hambalyenta. Al-Shabab markay rabto ayay Muqdisho weerar ka fulin kartaa," ayuu yiri Axmed Madoobe.
Hadalkan ayaa ahaa mid Madaxweyne Axmed Madoobe kaga jawaabyey warbixin wafdigq dowladda Federaalka ka sheegeen shirka taasoo aheyd in markii ugu horeysay mudo 12 sano ah aan Muqdisho wax qarax ah ka dhicin bisha Ramadan.
Mar uu soo hadal-qaaday Axmed Madoobe qorshaha bixitaanka AMISOM ayuu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan waqti xaadirkaan u diyaarsaneyn inay la wareegaan amaanka guud ee dalka.
"Waxa loogu yeero qorshaha kala guurka oo ay ku baxayaan AMISOM, waxaan arkaa inay tahay inaan la joogin waqtigeeda oo aanan u diyaarsaneyn Beesha Caalamka, iyo dowladda Soomaaliya," ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha Jubbaland.
Mudane Axmed Madoobe ayaa ugi baaqay beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya in marka hore ay diyaariyaan ciidamoa Soomaaliyeed, oo awood u leh inay hantaan mas'uuliyadda amaanka dalka.
Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ay kala qeyb-sadeen dalal, isagoo tibaaxay in ciidamadda Booliska ay gacanta ku hayaan Ingiriiska iyo Milatariga oo Mareykanka maamulo.
Axmed Madoobe ayaa ku celiyay baaqiisa ah in qodobadda kasoo baxa shirarka Soomaaliya loo qabto ay noqdaan kuwa la dhaqan-geliyo, sidoo kalena deeqaha dhaqaale lagu bixiyo meeshii loogu tala-galay.
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayaa iyadoo uu taagan yahay Khilaafka qarka u saarmay inuu saameyo ka qeybgalka Jubbaland ee shirka Belgium ka socda, kaasoo soo ifbaxay markii Axmed Madoobe ka dagay Brussels, oo qeybta Protocol-ka Safaaradda Soomaaliya ay si aan munaasab ahayn ula dhaqmeen.[Halkan ka akhri Warbixinta].
Maamulka Axmed Madoobe ayaanan la dhacsaneyn habka dowladda Federaalka ula dhaqmayso Jubbaland, isagoo dhawaan warqad uu u qoray Farmaajo isagoo ka cabanaya la-tashi iyo wadshaqeyn la'aan dhanka Taliska Ciidamada xoogga uusan.
Jubbaland ayaa Garoonka Kismaayo kasoo celiyay Jimcihii lasoo dhaagay diyaarad wadey Taliyaha cusub ee qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka, ee ka howlgala Gedo iyo Jubbooyinka, kaasi oo maalin kadib ka dagay Garbahaarey.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo xiriika uu la leeyahay Villa Soomaaliya aan wanaagsaneyn xilligan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Khayre inay fulin waysay go'aankeedii dhex-dhexaadnimada xiisada Khaliijka, islamarkaana ay la safatay Qadar.
GAROWE ONLINE