Axmed Madoobe oo si adag uga hadlay nabadoon lagu dilay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wuxuu cambaareeyay dil habeenkii Isniinta gudaha magaaladda Kismaayo loogu geystay mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee ugu caansan dalka.

Cabdiqaadir Ibraahim Xasan [Gaari], oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Soomaaliya, ayaa waxaa toogtay dabley ku hubeysan bastoolado, kuwaasi oo wajiyadda u duubnaa, siday sheegeen goobjoogeyaal.

Hogaamiyaha ay doorashadu kusoo food-leedahay ayaa shaaciyey in uu tacsi u dirayo qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoonka oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeyso dilkiisa Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka oo xaqiijiyey in kooxahii hubeysnaa ay ka baxsadeen goobta ay falka khaarijinta ah ay ku geysteen ayaa tibaaxay in ay ku raad-joogan ayna gacata kusoo dhigi doonan "gacan ku dhiigleyaasha".

Sidda ay qoyskiisa khadka telafoonka xarun goboleedka Jubada Hoose ugu sheegay warsidaha Garowe Online, marxuumka ayaa waxaa lagu wadaa in aaso Arbacadda.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu amar ku siiyey hay’addaha nabad-gelyadda in ay baaritaano degdeg ah ay sameeyaan isla markaana ay soo qabtaan ragga falkan dilkan ku lugta lahaa ee baxsadey.

"Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka Argagixisonimo ee lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo degaanada Jubbaland ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada cusub ee bisha Agoosto dooran doono madaxweynaha xiga iyo labadiisa ku xigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM