Axmed Madoobe oo waqti loogu daray soo xulista wasiirrada Jubbaland

Image

31 December, 2015(GO)-Barlamanka maamulka Jubbaland ayaa aqbalay codsi mar saddexaad uga yimi Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana Xildhibaanadu u ansixiyeen 90 cisho oo dheeraad ah.

Xidhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay codsiga  uu soo jeediyay madaxweynaha Jubblanad oo cadaadis ka haysto siyaasiyiin iyo qaar kamid ah beelaha maamulkaas oo doonaya inay iska dhex arkaan golaha xukuumadda.

Gudoomiyaha guddiga hab dhowrka ee baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed ayaa saxaafada u sheegay in waqti kordhinta ay ka bilaaban doonto shanta bisha Janaayo ayna ku egtay shanta bisha Abriil ee sanadkan 2016-ka.

Barlamanka ayaa maalmahan ka doodayay inay codsiga Madaxweynaha, waxaana jiray mudanayaal dhaliilay waqti ku darista waxayna sheegeen inaysan jirin sabab mar saddexaad madaxweynaha fursad loo siiyo maadama uu dayacay ku hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM