Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaaday madaxda DFS

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu maanta kusoo laabtay kadib safar uu ugu maqnaa Itoobiya ayaa eedaymo culus ujeediyay dowlada.

Axmed Madoobe ayaa sababta taliye iyo ku xigeenkiisa oo ay dowladda u magacowday Nabad Sugiida Jubbaland, loogu xanibay garoonka Kismaayo ayaa ku sheegay in aanan wax latashi ah lagala sameyn magacaabistooda.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in Jubbaland aysan ka shaqayn doonin amar kasoo baxay dowlada Federaalka, hadii aanan lagala latashan Maamulkiisa, maadaama siduu hadalka u dhigay go'aamadaas ay saameyn ku yeelanayaan shacabkiisa.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in dowlad goboleedyadda dalka ka jira aysan kala dhaxayn dowladda Federaalka wax wadashaqayn ah, taasoo uu shaaciyay inay sababi karto amni xumo baahsan oo dalka lasoo darista.

"Dowladda Federaalka iyadda ayaa amni xumadda dalka ka jirta qayb ka ah, maxaa yeelay hadii ay jiri lahayd wadashaqayn ay la yeelato dowladda goboleedyadda amniga wuxuu noqon lahaa mid hagaagsan," ayuu Axmed Madoobe saxaafada u sheegay.

Hadalka Ahmed Madoobe ayaa imaanaya xili xiriirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Jubbaland uu ahaa mudooyinkii dambe mid hoos u dhacay, taasoo sababtay in tiro labo jeer ah laga soo celiyay Kismaayo taliye-yaal ay magacowday Dowladda dhexe.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Axmed Madoobe dhaliilo culus ujeediyo dowladda, waxaana la xasuustaa in shirkii Brussels uu ku karbaashay maamulka Farmaajo, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabisay la shaqaynta maamuladda iyo inay fara-gelin toos ah ku sameyso arrimahooda gudaha.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa mar sii horey ku eedeeyay dowladda Federaalka inay taageereyso mucaaradka maamulka Jubbaland, kuwaasoo olale xoogan ugu jira inay meesha ka saaraan maamulka Axmed Madoobe doorashadda soo aadan.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka ay ka socdaan howlgalo balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo la doonayo in looga saaro tuulooyinka wali ku hoos jira maamulka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM