Axmed Madoobe wadahadal khadka Taleefonka la yeeshay Mustafa

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay magacaabista Mustafe Muxumed Cumar, kaasoo laga dhigay Madaxwaynaha KMG ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Mustafe oo ah 34-sano jir ku dhashay Magaalada Dhagax-buur ee dhulka Itoobiya haysto ee Soomaali Galbeed ayaa waxa uu xilka sii hayn doonaa illaa iyo 2020-ka, waqtigaasoo ay dhici doonto doorashadda guud ee Xisbiga degaanka ka arrimiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay inuu telafoonka kula hadlay Mustafe, islamarkaana uu ugu hambalyeeyay, waxaana la sheegay inuu urajaynayo inuu xilka cusub ee loo dhiibay uu Alle ku guuleeyo.

"Madaxweynaha Jubbaland oo khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Cusub ee DDSI, Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ugu hambalyeeyay Magacaabista Xisbiga deegaanka ka arimiya ay u magacaabeen Madaxweynaha deegaanka, isagoo u rajeeyay in uu ilahay xilka iyo Masuuliyada Cusub ee miisaanka leh uu la garab galo," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hadalka kasoo yeeray Hogaamiyaha Jubbaland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili dhowaan uu kasoo laabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isaga oo qayb ka ahaa xubnihii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed kala tashtay arrimaha degaanka ka jira.

Mustafe oo aad u dhaliili jiray maamulkii Cabdi Illay ayaa magacaabistiisa waxay timid kadib markii kulamo ay yeesheen Odayaasha degaanka iyo Xubnaha Xisibiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Axmed Madoobe oo todobaadkii kusoo laabtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kaalin wayn ka ciyaaray isbedalada ku yimid hogaanka gobolka Soomaalida Itoobiya, taasoo qayb ka ah dufaanta isbedal ee uu la yimid Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM