Baaritaan laga sameeyay Suuqa Bakaaraha, Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia - Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal amni ka sameyaay qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, ee caasimada Soomaaliya.

Howlgalka oo billowday xilli hore saaka, ayaa waxa uu ka dhacay degmooyinka Howlgwadaag iyo Wardhigleey, waxaana baaritaano ka sameeyeen xaafadaha degmooyinkaasi iyo Suuqa Bakaaraha.

Boqolaal dhalinyaro u badan, ayaa lagu qabtay howlgalka sida wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Howlgalka waxa uu saamayn ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa Suuqa wayn ee Bakaaraha, kadib markii ay ciidamada hakad geliyeen dhamaan Gaadiidka dadweynaha, sidoo kalena xireen waddooyinka soo gala halkaasi.

Dadka lagu soo xiray Howlgalka, ayaa la dhigay xarunta Dembi-baarista Somalia ee Muqdishu, halkaasi oo lagu kala ogaanayo cidda xiriirka la leh Al Shabaab iyo kuwa aan denbiga lahayn.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa sheegay in baaritaankan lagu xaqiijinayo nabadgalyada Muqdishu.

Warar uu helayo warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in suuqa lagu tuhmay xubno lagu raad joogay oo katirsan ururka Al Shabaab, kuwaasoo la sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan suuqa ugu weyne Muqdishu ee Bakaaraha

Xamar, waxaa ka dhacaya Qaraxyo iyo Dilal mudooyinkii danbe soo kordhayay, xilli caasimada dalka ay isku-diyaarnayso doorasha 2016, sidoo kalena ay ka socdaan olole siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM