Baaritaanka uu wafdiga Midowga Afrika ka sameynayo Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadda oo xaaladdo is-diidan ay ka jiraan gobolka, wafdi ka kooban 30-xubnood oo ka socda Midowga Afrika ayaa Sabtida maanta ah socdaal aan lasii shaacin ku yimid Muqdisho, caasimada Soomaaliya.
Kooxdaasi ka tirsan Guddiga Sare ee Fulinta Midowga Afrika u qaabilsan dalalka ku teedsan Badda Cas ayaa waxaa horkacaya Thabo Mbeki, madaxweynihii labaad ee waddanka Koonfur Afrika.
Wafdiga ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay kala xaajoodeen arrimo ay kamid yihiin xaaladda gobolka si gaar ah amniga, siyaasadda, is-dhexgalka iyo dhaqaalaha.
Kulanka markuu soo idlaaday, Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ayaa ujeedka socdaalka wafdigan wuxuu ku qeexay baaritaan iyo qiimeyn ay ku sameyn doonan saddex arrimood.
Sidda laga soo xigtay Cawad, cilmi-baaristooda ayaa ku qotonta dhinacyadda; Amniga Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan; Iskaashiga Dhaqaale ee gobolka iyo Horumarka dhinaca siyaasadda.
Daraasadan oo ay sameyn doonan muddo laba maalmood ah oo ay dalka baaqi ku yihiin ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya khuburo Soomaaliyeed oo wafdi qayb ka ah, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka xiriirka Caalamka.
"Socdaalkooda waxay ku marayaan wadamada dhaca Badda Cas," ayuu daba dhigay Cawad oo intaasi raaciyey "Cilmi-baaristooda oo ay talooyin kasoo saari doonan waxay u gudbin doonan Midowga Afrika".
Soomaaliya ayaa noqoneysa qarankii labaad oo uu wafdigan tago, waxayna horey u soo mareen Kenya, kaasi oo ay dalka leh xeebta ugu dheer ay kala dhaxeysa dacwad dhanka badda oo hortaala Maxkamada Cadaalada Aduunka.
Xeer-beegtada ayaa muddeysay in dhageysiga gal-dacwadeedkaasi ay dib u bilaabeyso bisha September inkasta oo xukuumadda Nairobi aysan ku qanac-saneen in Maxkamadda ay xukmiso kiiskan.
Xiisadan oo taagan tan iyo 2014-kii ayaa waxay meel adag gaarsiisay cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labadda dowladood, waxaana Kenya ay dhinacyo kala duwan ka dalbatay in ay soo farageliyaan qadiyaddan.
Xukuumadda Nairobi ayaa dooneyso in miiska wada hadalka lagu dhameeyo arrintan balse Muqdisho oo ka biyo diidan waxay ku adkeysatay in ay ka dhowr-sugeyso go'aanka ICJ.
MUUQAALKA KULANKA
GAROWE ONLINE