Baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo doortay gudoomiye KMG ah

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa maanta oo Talaado ah lagu dhaariyey Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha Guddiga Doorashadda, Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka, Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Dhaarinta kadib, sharcidejiyeyaasha oo ka kooban 73, ayaa waxay doorteen gudoomiye ku meel gaar ah, kaasi oo loo xushay Sheekh Cabd Yuusuf Cali.

Cabdi, oo mudaneyaasha cusub kamid ah, ayaa waxaa la sheegay in uu yahay Xildhibaanka ugu da’da wayn Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaasi.

Mas’uulkan ayaa wuxuu xilkaasi sii hayn doonaa inta laga dooranayo gudoonka cusub ee Baarlamaanka, maalmaha soo aadan.

Gudoomiyaha cusub ee ku meel gaarka ah ayaa wuxuu balanqaaday doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo Xildhibaanadda waydiistay in ay la shaqeeyaan.

Doorashadaasi ayaa waxaa xigi doonta tan madaxweynaha oo la rajeynayo in ay qabsoonto bartamaha bisha August ee sanadkan 2019, iyadda oo aad isha loogu hayo natiijadda kasoo bixi doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM