Baarlamaanka FS oo ansixiyay cutubyada 1-4 ee Dastuurka

Image
Qodobada ugu muhiimsan ee la meelmariyay ayaa ka mid ah haykalka xukunka loo guuray.

Muqdisho, Soomaaliya - Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey cutubyada 1-4 ee Dastuurka oo soo maray marxallado kala duwan.

Kulanka labadda gole ayaa waxa soo xaadiray 254 mudane oo isugi jiray 212 Xildhibaan oo golaha Shacabka ah iyo 42 Senator oo aqalka sare ah, xilli mudanayaasha ay saaka subaxnimadii hore ba iska soo xaadiriyey xarunta Golaha ee Villa Hargeisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta Ansixinta Dastuurka isagoo ku dhawaaqay in ansixinta Dastuurka ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen 254 Mudane.

Wax ka beddelka iyo dhamaystirka dastuurka ayaa qoddobada ugu muhiimsan waxa ka mid ah in haykalka xukunka loo guuray Madaxweyne ay Shacabka Soomaaliyeed toos u soo dooranayaan iyo Ra”iisul wasaare uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Heer federaal ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM