Baarlamaanka Jubaland oo cimriga u dheereeyay xilheynya Axmed Madoobe
KISMAAYO, Jubaland - Xildhibaanada Jubaland ayaa u codeeyay in meesha laga saaro qodobka 70aad ee Dastuurka maamulkaas oo Madaxweynaha u diidayay inuu wax ka badan 2 jeer isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha.
Waxay sidoo kale Xildhibaanada meel-mariyeen in mudo-xileedka Axmed Madoobe noqdo 5 sano, halka markii hore ahaa 4 sano, wuxuuna u tartami karaa xafiiska marwalba.
Axmed Madoobe ayaa Jubaland Madaxweyne ka yahay tan iyo aas-aaskeedii.
GAROWE ONLINE