Baarlamaanka Jubaland oo doonaya in dib loosoo doorto xili ay jirto xiisad

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa Axadii magaaladda caasimada ku meel gaarka u ah ee Kismaayo kulan kula yeeshay qaar kamida Odayaasha Dhaqanka degaanada maamulkaasi.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, kulankaasi waxaa soo agaasintay Madaxtooyadda maamulka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Dulucda shirka ayaa waxay ahayd in Xildhibaanada haatan shaqeeya ay ka socdaan hogaanka dhaqanka in ay dib u soo doortaan.

Mudanayaasha oo goobta ka hadlay ayaa qiil ka dhigtay in ay waqti adag kusoo shaqeeyeen, isla markaana ay iyagu isu arkaan kuwa maamulka sii wadi kara.

Gudoonka oo madasha ka hadlay oo ayiday dalabka Xildhibaanada ayaa ka digay in doorashada Jubbaland la farogeliyo, lana sameeyay falal liddi ku ah amaanka.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysa iyadda oo ay jirto xiisad culus oo ka dhalatay qaabka loo sameynayo soo xulista Xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Siyaasiyiinta ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada oo loo xil-saaray arrintaan ay soo xulanayaan kaliya xubnha u coddeynaya madaxweyne Axmed Madoobe.

Inkasta oo uu Guddiga iska fogeeyay in uu dhinac u jaran-jeero, haddana wuxuu qiray in saddex xubin oo iyaga kamida soo xulayaan xubnaha cusub.

Dhowr illo wareed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in sababtaan darteeda ay keentay dib u dhac ku yimaada arrintaan, wallow dib loo bilaabi doona dhowaan.

Sikastaba ha ahaatee, sharcidejiyaasha haatan shaqeeya ee Jubbaland ayaa ah kuwa xiriir la leh Axmed Madoobe, oo cadaadis culus kala kulmaya Madaxtooyadda Soomaaliya oo taageereysa murashaxiinta qaar.

Horaantii todobaadkaan ayay ahayd markii safiirka UK oo tegay xarun goboleedka Jubada Hoose uu ka digay in la farogeliyo doorashada Jubbaland xili Axmed Madoobe uu danjiraha kaga cabaday xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM