Baarlamaanka Puntland oo su’aallo waydiiyay Wasiirka Kalluumeysiga

Image
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Abdirisak Ahmed Said ayaa guddoominayay kulankan ka qabsoomay xarunta golaha ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga & Kheyraadka badda Puntland oo ay wehliyaan xubnaha kale ee wasaaradda siwaafaqsan qodobka 68-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kadib markii Guddigii korjoogteynta kulahaa Wasaaradda ay codsadeen in loo yeero maadaama aysan ku qancin xogtii ay u soo gudbiyeen.

Iyadoo Wasiirku uu raaligelin ka bixiyey arintaas dhacday oo uu ku tilmaamay cilad farsamo hada kadibna sida Dastuurku qabo Wasaaraddu ula shaqeyn doonto Guddiga arrimaha Deegaanka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka iyo xubnaha kale kuwaas oo la xiriira sababaha ay Guddiga arrimaha deegaanka ay uga gaabiyeen wadashaqeyntooda, cabashooyinka Kaluumaysatada ee waxyeelada u geystaan Doonyaha iyo maraakiinbta shishiyee, hanaanka shatiyada loo bixiyo iyo guud ahaan shaqooyinka Dastuuriga ee Wasaaraddu gacanta ku hayso.

Waxaana dhammaan su'aalihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Wasiirka Kaluumaysiga iyo xubnaha kale ee Wasaradda, iyadoo ugu dambeyn kulanka uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM