Baarlamaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNOPS oo ka shiray mashaariicda

Image
Aadan Madoobe ayaa hay’addan ku bogaadiyay hay’adahan howlaha mashaariic ee ay wadanka ka hayaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ala’a Nemer oo ah u qeybsanaha Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda UNOPS iyo Venelin Rengelov oo ah madaxa qeybta taageerada ee UNOPS.

Mas’uuliyintan ka socotay Hay’adda UNOPS ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka uga warbixiyay mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka iyo qaabka ay u fuliyaan, waxaana sidoo kale kulanka looga hadlay wada shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda UNOPS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku bogaadiyay hay’adahan howlaha mashaariic ee ay wadanka ka hayaan iyo sidoo kale taageeradda ay siiyaan hay’adaha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM